Ogeysiis: U Hiili Afkaaga Hooyo iyo Prof. Ruumi 27 Agosto Trollhättan

Ku soo dhawaada kulan warbixineedka iyo wadatashiga ee U Hiili Afkaaga Hooyo oo uu soo jeedin doono Professor Cabdulqaadir Ruumi oo lagu qaban doono maalinta koowaad 25 Agosto magaalada Gothenburg maalinta labaad 27 Agosto magaalada Trollhättan ee dalka Sweden.

Dhamaan dadweynaha degen magaalada Gothenburg ee Sweden waxaa la ogeysiinayaa in xaafada Bergsjön Lokalak Som-Swedish laga qaban doono barnaamij ku saabsan  U Hiili Afkaaga Hooyo. Waxaa halkaas marti ku ah Prof Cabdulqadir Ruumi oo ka mid ah gudiga Akademilada Goboleedka Afka Soomaali oo ka warbixin doono iyo halkaasi la isku weydaarsan doonaa wadatashiyo iyo sidii loo hormarin lahaa aska soomaaliya.

Waxaa kale oo halkas marti ku ah Dr Hashi oo qoray buuga caafimaadka oo loogu magac daro Baro Cudurkaaga.

Waxaa halkaasi kula kulmi doontaa qaar kale oo badan oo uu ka mid yahay Sheekh Cabdirahmaan Sheekh Muxudiin Celi, Aadan Oor, Abe Dheere….