Faah Faahinin Nin Somaliya oo Weerar Khasaaro Dhaliyay Ka Geestay Dalka Belgium

Nin Soomaali ah ayaa weerar uu Mindi uu adeegsaday waxa uu ku dhaawacay labo askari oo katirsan ciidanka booliiska Belgium-ka , waxa uuna ninkan ku qeylinayay xiliga uu weerarka fulinayay Kalmada Allahu Akbar.

Ciidamada booliiska ayaa toogasho ku dilay ninkan Soomaaliga ah ee dhaawacay labo askari oo booliiska katirsan, waxa ayna Ciidamada amaanka wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan weerarkan xalay dhacay.

Xeer Ilaaliyeyaasha Belgium-ka ayaa sheegay in weerarkan ay u aqoonsan yihiin in uu yahay mid argagaxiso, waxa ayna tilmaameen in laamaha amaanka ay wadaan baaritaanka weerarkan ay dib ka faah faahin doonaan.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo kunool qaar kamid ah Wadamada Yurub ayaa horey u geestay weeraro lagu tilmaamay in ay yihiin kuwa argagaxiso ah, waxaana weeraradaasi qaarkood sheegtay kooxda Daacish.