Duqa Muqdisho oo ka hadlay Dhalinyarada uu shaqaaleysiinayo G/Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay qaban doonaan Barnaamij lagu faah faahinayo Kunka Dhalinyaro ee maamulka gobolka Banaadir uu shaqaaleysiinayo dhowaan.

Wuxuu sheegay Duqa Muqdisho Barnaamijkan in uu yahay mid shaqo abuur loogu sameynayo Dhalinyarada Soomaaliyeed, mushaarkiisana uu bixinayo Bankiga Aduunka, mudo lix biloodna uu soconayo.

Thaabit ayaa sheegay shaqaaleysiinta Kunka Dhalinyaro in si siman loogu qeybinayo dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyo dadka baahiyaha gaark ah qaba, wiilasha iyo gabdhahan ay ka heli doonaan fursad isku mid ah.

Sidoo kale Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay Barnaamijkan in uu noqonayo mid xalaal ah oo aysan jiri doonin garab iyo in qof walba uu soo wato xigtadiisa.

“Barnaamijkan waa Barnaamij shaqo abuur loogu sameynayo Dhalinyarada Soomaaliyeed, mushaarkiisa waxaa bixinaya Bankiga Aduunka, mudo lix bil ah ayuuna soconayaa, dhowaan waxaan qaban doonaa Barnaamij aaan ku faah faahineyno Kun dhalinyaro ee la shaqaaleysiinayo, si siman ayaana loo qeybinayaa”. Ayuu yiri Thaabit.

Duqa Muqdisho oo maanta marti ku ahaa Barnaamij si toos ah uga baxayay TV-ga Dowladda, ayaa dhanka kale soo hadal qaaday Howlgalka xasilinta ee Muqdisho, wuxuuna sheegay howlgalka in uu u socdo si dar dar leh, shacabka Soomaaliyeed dhankoodana laga doonayo in ay garabsiiyaan Ciidamada Dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhowaan Duqa Muqdisho ku amray in gobolka uu shaqaaleysiiyo Kun Dhalinyaro ah, si dhalinyarada ay uga baaqsadaan Tahriibka iyo waxyaabaha kale ee noloshooda ay ku biimeynayaan.