Dowladda oo war degdeg ah ka soo saartay weerarkii Bariire

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dadkii Ciidamada Mareykanka ay ku laayeen beer ku taalla degaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa lagu sheegay Ciidamo hoos yimaada Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Axmed Maxamed Jimcaale iyo kuwa Mareykan ah in ay weerar ka fuliyeen xalay beer ku taalla degaanka Bariire.

Warka ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay weerarkaasi in lagu dilay 8 Shabaab ah, kuwaasi oo halkaasi xarun u aheyd, aysana jirin dad shacab ah oo howlgalkaasi lagu dilay.

Waxaa kaloo lagu sheegay warkan qoralka ah in marka hore Ciidamada ay ku amreen shacabka in ay guryahooda dhigtaan hubkooda ay ku ilaashadaan beerahooda, si uusan u dhicin jahwareer ku aadan in khasdaare la gaarsiiyo.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday warkan qoraalka ah wuxuuna yiri “Beerta Bariire waxay ahayd xerada al-Shabaab. Shakhsiyaadka lagu dilay weerarka intii uu socday waxay ahaayeen Shabaab.

Dhanka kale Cali Nuur Maxamed, Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dhinaca Amniga ayaa isna sheegay in Ciidamada Mareykanka ay beertaasi ku dhex dileen 10 qof oo shacab ah, kuwaasi oo galabta Meydadkooda la keenay Muqdisho, waxaana sawirro laga soo qaaday ka dhex muuqday laba caruur ah.