Isbaheysiga Sacuudiga oo duqeyn lagu riiqmay ka geystay duleedka Sanca

Dayuuradaha dagaalka ee Isbaheysiga Sacuudigu hogaaminayo ayaa duqeymo dhinaca cirka ah oo lagu hoobtay la beegsaday hotel ku yaalla degaan ku dhow magaalada Sanca ee xarunta dalka Yeman.

Ugu yaraan 30 ruux ayaa halkaas ku geeriyoodeen halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo burbur xoogana uu soo gaaray dhismaha la duqeeyey oo ku yaalla degmada lagu magacaabo Arhab oo 20-km u jirta magaalada caasimadda ee Sanca.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in goobta la duqeeyey ay ka mid aheyd xarumaha ay joogaan saraakiisha falaagada Xuutiyiinta shiicada ah ee lagu eedeeyo iney taageerto Iran.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay isbahaysiga Sacuudiga ee taageera dowladda Madaxweyne Cabdu Rabbu Mansuur Haadi ee dalka Yemen.l

Xuseen Tawiil oo ka tirsan hay’adda Bisha Cas ee dalka Yeman ayaa AFP u sheegay in kooxaha gurmadka ay meydadka 30 qof ka soo saareen dhismaha la duqeeyey hoostiisa, halka ilaa 13 kale loola cararay isbitaal ka dib dhaawacyo ka soo gaaray duqeymahan.

Dhanka kale Wakaaladda Wararka Qaranka dalka Yeman Saba ayaa ku waramaysa, in 6 qof oo rayid ah ay ku dhinteen 15 kalena ay ku dhaawacmeen weerar kaasi ka horeeyey oo ka dhacay duleedka caasimadda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 8,167 qof ay geeriyoodeen halka, 46,335 qof ay dhaawacmeen intii ay socdeen dagaalada dalka Yeman tan iyo sanadkii 2015, waxaana dalkaas ka taagan macluul iyo cuduro sii adkeeyey xaalada shacabka wadankaas saboolka ah.

Yemen