Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen duleedka Balcad

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay caawa fiidkii weerar ku soo qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen tuulo lagu magacaabo Haan-Sheekh oo dhowr iyo toban KM u jirta Balcad.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada dowladda ayaa dhowaan la dejiyay tuuladaas, kaddib markii ay soo kordheen weeraro Al-Shabaab ka fulineysay muddooyinkii u dambeeyay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerar ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, ayna deegaanka ku sugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore jidka u galay Kolonyo ciidamada AMISOM la socdeen, iyadoo mid ka mid ah qarax miino la beegsaday, waxaana dhex maray iska hor imaad muddo kooban dhex maray.

Wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa ahaa meelaha aanay Al-Shabaab gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku weerarin sanadihii u dambeeyay, hase ahaatee waxaa dhowaanahan soo kordhay weeraro toos iyo qaraxyo lala beegsanayo gaadiidka ciidamada.