Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Cape Town ee dalka K/Afrika

Magaalada Cape Town ee wadanka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed xilli uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobtiisa ganacsiga.

Kooxaha dilka geystay ayaa ahaa rag South African ah, kuwaasi oo dhowr xabadood ku furay gaarigii uu watay muwaadinka Soomaaliyeed taasi oo sababtay inuu u geeriyoodo.

Allaha u naxariistee muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ibraahim Rooble Koofurow ayaa meydkiisa waxaa goobtaasi ka qaaday ciidamada Booliska dalkaasi Koonfur Afrika xilli uu ku dhex jiray gaarigii uu watay oo derbi ku dhuftay kaddib markii uu miir daboolmay.

Ilaa iyo iminka lama oga sababta ka dambeysa dilka, inkasta oo goob joogayaal kor tegay meydka marxuum Koofurow ay sheegayaan in kooxahani doonayeen inay dhacaan.

Dilalka muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geysto dalka Koonfur Afrika ayaa sii kordhayay labadii bilood ee ugu dambeysay waxaana lagu dilay 13-Muwaadin mudada labada bilood gudaheed ah.