Hooyada Dhashay Wiilkii Ka Dambeeyay Weerarkii Barcelona oo Ka Xumaatay Dhibka uu Wiilkeeda Geystay

Waxaa warbaahinta gudaha dalka Spain la hadashay mid ka mid ah Hooyooyinkii dhalay dhalinyaradii ka dambeeysay weerarkii lagu qaday magaalada Barcelona gaar ahaan Hooyadii dhashay Younes Abouyaaqoub .

Ghanno oo ah Hooyada dhashay Younes Abouyaaqoub oo dad badan gaari jiirsiiyay ayaa warbaahinta dalka Spain waxa ay u sheegtay inay aad uga xun tahay dhibka ay geesteen Caruurteeda oo maskaxda laga badalay taas oo tiri sida tan :

“Hadaan ogahay ama la socon lahaa dhibaatada ku soo fool leheed Wiilkeyga waxaan la socod siin lahaa ciidamada booliiska Spain si uu iigu noolaado, kiiska dambigiisana loogu qaado maxaa yeelay Maskaxda la saaray ma ahan mid aan ku naqaanay wuxuuna is baalay mudo hal sano gudaheed ah ”

Sidoo kale gabdhhii la dhashay Wiilashii fuliyay weerarkii ka dhacay dalka Spain ayaa soo qaatay qoraalo ay ku cambaareenayaan falkaan kuwaas oo yiri nama matalaan , Diinta Islaamkana waa nabad galyo.