Arday Itoobiyaan Ah Oo Buugga Mucjisooyinka Ku Galay Arin Lala Yaabay

Kirubel Yilma, oo labaatan sano jir ah kana soo jeeda dalka Itoobiya, ayaa galay buugga lagu diiwaan geliyo mucjisooyinka iyo la yaabka dunida ee Guinness World Records kadib markii uu soo bandhigay arin lala yaabay.

Kirubel ayaa calooshiisa ku keydiyay 4 Liters oo biyo ah, isagoo mudo daqiiqado ah oo caloosha ku keydsaday kadib sida tubada oo kale ugu soo tuuraya afkiisa si aan kala joogsi laheyn, taasoo noqotay mucjiso lala yaabay.

Ardaygaan kasoo jeeda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa kusoo bandhigay farsamadaan la-yaabka leh isagoo booska kala baxay ninkii reer Ghana ee Dickson Oppong oo loogu magac daray aka Waterman “ninkii biya” oo dunida uu kaga yaabsaday farsamadiisa adag in la sameeyo.

Kirubel Yilma ayaa awood u leh in uu ilaa seddax ilaa afar caag midkiiba hal liter ku jiraan oo uu cabo calooshiisa dib ugu soo celiyo, wuxuuna rikoorkii horay u yiilay ee uu dhigay Dickson ahaa 46.86 ilbiriqsi oo aan kala joogsi laheyn inuu biyaha calooshiisa ku jiray uu ku keenay.Laakiin Kirubel Yillma ayaa rikoorkaasi jabiyay markii uu gaarsiiyay 56.36 ilbiriqsi oo aan kala joogsi laheyn inuu calooshiisa ugu soo bixiyo biyihii uu cabay.