Madaxweynaha Jubbaland oo eedeyn u jeediyay Beesha Caalamka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam ayaa ku eedeeyay Beesha Caalamka in ay caqabad ku tahay horumarka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan doonin in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka hormaray.

Axmed Madoobe ayaa Beesha Caalamka ku eedeeyay in aysan dhab ka aheyn wax u qabashadda Soomaaliya,islamarkaana aysan aaminsaneyn dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.

axmed madoobe

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horay u sheegay in dadka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay ka madax banaanaadaan Beesha Caalamka oo ay wax qabsadaan.

Beesha Caalamka ayuu xusay in aysan waxba taraynin hadii deeqaha ay Soomaalida ugu tala galeen ay u dhiibaan NGO-yo aan waxba u qabanaynin umada.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ka hadlay dadka ay Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah ka shaqalaysiiyaan gudaha Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay in dadka gudaha dalka wax ku bartay ay xooga saran maadama ay ogyihiin duruufaha dalka ka jira.