Shirkada Black water oo ah shirkad dhinaca amaanka ka shaqeysa ayaa Erick Prince oo ninka la dhashay gabadha uu qabo madaxweyne Trampka Mareykanka
Erick Prince oo maalmahan ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanka Balidoogle, Puntland halkaas oo shirkadiisa ay saldhigyo kuleedahay marqura ayuu kasoo muuqday meel aanan laga filaneyn Erick Prince
Shirkada uu leeyahay Erika ayaa hada qandaraas ka heysata Dowlada Maraykanka isla markaana la sheegaa inay ciidamadooda ku sugan yihiin Saldhiga Balidoogle.
Qorshaha Prince ayaa hada ahayd in ciidamada isaga u shaqeeya ay hawlgalada kala wareegaan militariga Maraykanka ee Afghanistan ku sugan, taasi oo uu ku heli lahaa dhaqaale baaxad leh.
Waxaa ka horyimid qorshaha Prince Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon oo ku tilmaamtay hawlgalkaasi mid aan loo gacan gelin karin shirkad si gaar ah loo leeyahay.
Weli waxaan cadeyn in Trump uu Prince qorshihiisa u fulin doono ama ciidamo Dheeraad ah oo ka socda militariga Maraykanka u diri doono Afghanistan, isagoo shirkii jaraa’iid oo uu xalay qabtay diiday inuu faah faahiyo qorshiisa Afghanistan.