Dhul Gariir Ay Dad Ku Dhinteen oo Ku Dhuftay Qeybo Ka Mid Dalka Talyaaniga

Jasiiradda Ischia ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku dhuftay dhul gariir galaaftay nolosha labo dumar ah iyo dhaawaca 39 kale.

Sida ay saraakiishu sheegeen, shaqaalaha gurmadka ayaa burburka ka soo badbaadiyay ilmo toddobo bilood jira, waxayna wali ka shaqaynayaan sidii ay ku soo saari lahaayeen labo ilmood oo kale oo ay walaalo yihiin, Waalidkood ayaa burburka ka badbaaday.

Kaniisad iyo Isbitaal ayaa ka mid ah goobaha uu burburiyey dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 4.0.

Jasiiraddan oo ku taalla xeebta Naples waxaa ku nool 50,000, waxayse caan ku tahay dalxiiseyaasha.
Dad badan ayaa makhaayado ka cuntaynayay markii uu dhulgariirku dhacay halka qaar kalena ay iska wateen howlahooda caadiga ah.

Goob jooge ayaa sheegay in wax walba uu gilgilanayay, dhulkuna uu mugdi noqday, dhismayaashuna ay dumeen, cabsi aad u badan la dareemay.