Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta loo gudbiyay Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa fadhigii maanta ee Aqalka Sare ay Muqdisho ku yeesheen ka sheegay in Mooshin laga keenay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre.

Mooshinkan ayaa waxaa gudbiyay Xildhibaanno uu horkacayo, Muuse Suudi Yalaxow ayaa lagu sheegay ujeedkiisa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wax laga weydiiyo Xiisada Hirshabeelle iyo go’aankii Xukuumadda ka qaadatay.

Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Khayre xilli kasta loo yeeri karo, isla markaana diyaar u yahay inuu hor-yimaado, waxaana ka muuqatay inuu dhaliilsanaa qaabka mooshinka looga soo gudbiyay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia ayaa lagu wadaa inuu hortago Aqalka Sare ee Baarlamaanka, isagoo su’aalo laga weydiin doono tallaabadii Xukuumadiisa ugu taageertay go’aankii Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle xilka ugu qaadeen Cali Cosoble.

Dhanka kale, lama oga xilliga ra’iisul wasaaruhu uu hortagayo Aqalka sare, waxaase mooshinkan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee Aqalka Sare laga geeyo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia ugu sarreeya.

Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa maalintii Sabtida u yeeray Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somalia oo safar xaqiiq raadin ah ku tagay magaalada Jowhar, markii ay soo shaac-baxday khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Maamulka Hirshabeelle.

Ugu dambeyn, Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa matala Dowlad-goboleedyada waddanka ka jira, waxaana Xildhibaanadiisa sannad ka hor soo doortay maamul-goboleedyada, iyagoo mar walba u taagan difaacidda maamul-goboleedyada.