Falanqeyn: Itoobiya oo isha ku haysa kullanka Madaxweynaha Masar Iyo Farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay Gegada Caalamiga ah ee Qaahira ayaa loo gudbiyay Qasriga Madaxtooyada ee Al Itixaadiya, halkaas oo isaga iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdul Fataax Al Sisi ay si wadajir ah salaan sharaf uga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas.

Markaan kan falanqey ka bixiyo xiriirka bulshada soomaalida iyo Dawlada masar ma jiro wax ka wada dhaxeeya oo u isku qasbi kara inay heshiisyo kala saxiixdaan inay sameys taan maxad lagu dhiso wacyigalinta siyaasada arimaha Dibada iyo difaaca. Masar iyo somaliya.

Dhinaca kale Dawladihii Soomaaliya soo maray oo dhan iyo Dawlada Masar waxay lahaayeen xidhiidh wanaagsan oo taariikhi ah masar waxay dadaal dheer u gashay sidii Soomaaliya markasta siyaasadeeda Gacanta ugu hanlahayd

waxay dhallinyarada Soomaaliya u furtay albaabada jaamacdaheeda oo dhan mid milatari iyo mid cilmiba, si loo xoojiyo colaada soomaaliya iyo Itoobiya.

wadanka masar kuma cusuba saaxad siyaasada soomaliya isagoo tariikh midabo badan ku leh xaalada soomaliya ka aloosan,
ILaama ta iyo markaan Xoriyada Qaadaney.

dagaalkii 1977 dalka masar wuxuu kamid ahaa dalalkii soomaliya isku garab taagtay dagaalki dhex maray soomaliya itoobiya.

Soo laba kaclaynta Siyaasad dalka masar ee soomaliya waxaa sabab u ah muranka u dhexeeye wadamada masar iyo itoobiya ee ka dhashay wabiga niil,

sida aynu wada ogsoonahay itoobiya iyo masar waxay wadaagan wabiga niil ,dhawaanahan danbe waxaa soo shaac baxday in dalka itoobiya uu dhisayo biyo xireen wayn, biyo xireenkaas oo laga cabsi qabo inuu samayn ku yeesho awooda biyaha wabiga niil.

Dad badan oo aqoon yahano soomaaliyeed ah ayaa u arka in 60 sano ee soomaaaliya xoriyada sheeganeyso inay dagaal iyo Dawlad Fashilanta kabixi la dahay.

Arinkaa ayaa ah siyaasada wabiga niil ee ay isku fahmila yihiin itoobiya iyo masar.

wadanka toobiya ayaa soomaali la leh xuduud dheer wuxuu kamid yahay wadama ugu dadka badan Africa,

wadanka itoobiya maleh bad iyo shidaal farabadan waana sababta itoobiya ay waligeed ugu taamto in dalka soomaliya ay gacanta ugu dhigi lahayd si dawlada soomaaliya ka dhisan tahay mid itoobiya danaheeda ilaalisa.

Falanqeyn tayda waxaa ku soo Gaba nabeenayaa waxaan islahaa Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaaj wuxuu la iman siyaasad dhex dhexaada oo aad ugu Duwan kuwii Madaxdii ka horaysay

Hadiima uu Dawlada Masar la saxiixdey Heshiis Siyaasadeed oo dawlada masar ku doonayso inay soomaaliya tahay meesha ay kula dagaalimikarto dawlada itoobiya.

Madaxda soomaaliya soo martay oo dhan waxay yihiin kuwa markasta Qaata siyaasad Qar iska tuura oo lagaraneny.

maxaa u diiday in madaxweyna Farmaajo inuu ka leexdo Go’dkii kuwii ka horeeyey ku dhaceen

Jiritaanka Dawlad soomaaliyeed in la helo waxaa diidan oo ku xifaaltamaya Awoodaha waa weyn ee itoobiya iyo Masar .

iyadoo mid waliba uu doonayo inuu isagu noqdo kan u dhow saaxiibtimada Soomaaliya ama uu helo danaha uu ka leeyahay Soomaaliya

Waxaan u baahan nahay inaan helno figrad siyaasaded oo aan uga baxsano siyaasadaha itoobiya iyo masar ee ku kor dagaalamaya wadan keena iyo dadkiisa!

W/Q: Maxamed Caalim