DEGDEG: Madaxweynaha Galmudug oo goor dhow ku dhowaaqay Golihiisa Wasiirada

Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa goor dhow magaalada Cadaado uga dhowaaqay golihiisa Wasiirada oo ka kooban 22 wasiir 22 wasiir ku xigeen iyo 8 Wasiiru dowlayaal.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayay munaasabadda magacaabista Golihiisa Wasiirada ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Galmudug in ay ansixiyaan, isagoona sheegay inuu ku soo xulay Wasiirada cusub karti iyo aqoon waxqabad.

Madaxweyne Xaaf ayaa ku booriyay Wasiirada cusub inay la yimaadaan tayo waxqabad iyo hufnaan dardar gelinta howlaha kala duwan ee horyaala maamul goboleedka Galmudug.

Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug ayaa ku soo beegmeysa xilli Madaxweyne Xaaf uu dhowaan sheegay inuu wadahadallo kula jiro maamulka Ahlu Sunna, inkasta oo aanay muuqan nuxurka heshiis rasmi ah oo dhex maray labada maamul.