Booliska Spain oo Goor Dhow Toogtay Ninkii Ay Ku Tuhmayeen Weerarka Barcelona

Nin la rumeysan yahay in uu yahay kii waday gaarigii dadka la jiirsiiyay wadada La Rambla ee magaalada Barcelona Younes Abouyaaqoub ayay galabta toogteen booliska dalkaasi Spain.

Booliska ayaa ilaa Khamiistii baadi-goobayay Younes Abouyaaqoub oo ka haray koox ka koobneyd 5 ruux oo uu isagu ku jiro kuwaas oo fal argagixiso ay ku dhinteen ilaa 13 ruux ka geystay maalinimadii Khamiista magaalada Barcelona.

NInkan ayaa lagu dilay duleedka magaalada Barcelona, gaar ahaan goob lagu magacaabo Subirats galabta abaarihii tobanka saar ama 16:00.

Younes ayaa noqonaya ninkii ugu dambeeyay ee ay boolisku dilaan kaas oo ka har kooxdii weerarka ku qaaday magaalada Barcelona.