Eng. Yariisow “Muqtaar Roobow inuu isa soo dhiibo waxaa dadaal weyn u galay dowladda federaalka…. *Dhageyso*

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdirahman Cumar Cismaan Eng. Yariisow ayaa waxaa uu wareysi kooban uu ku sheegay horumarka iyo dadaalka ku saabsan mudaddii koobin uu xilka ka hayaa wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska in ay ku guuleysteen arimo aad u farabadan oo ay ka mid yihiin in dhawaan la furi doono madbacadii qaran soomaaliyeed, in la soo saari doono wargeys maalinle ah, in la soo celin doono tartankii heesaha hirgalay iyo arimaha dalxiiska loo sameyn doono qorshooyin aad u wanaagsan.

Waxa kale uu wasiirka ka dhawaajiyey in arinta dalxiiska ay u diyaariyeen qorsho farabadan isla markaana wax lagu farxo ay tahay in sanadkaani aan ku jirno ay bilaabatay ajaaniib ka socdo dalka Shiinaha ay dalxiis ahaan wadanka ugu yimaadaan ayna aad ugu riyaaqeen isbadalada wadanka ka socdo, taasi oo ku dhiiri gelinaysa in sanadaha soo socda ay yimaadaan dalxiisayaal farabadan.

Wasiirka waxaa kale uu sheegay in qurba joogta soomaaliyeed ee dalka dalxiis u imaanaaya ay soo dhaweynaayaa ayna u diyaarinaayaan sanadaha soo socda meelo ay dalxiis ahaan ugu tagi karaan si diirane loogu soo dhaweynaayo in ay wadankooda hooyo ay dalxiis ahaan ugu yimaadaan.

Wasiirka waxaa kale uu ka hadlay arinta Muqtaar Roobow Abuu Mansoor iyo imaan shihiisa magaalada Mogadishu in ay doslada federala dadel weyn ay u gashay in liisa argagixisada laga saaro si wadahadal uu ila galo dowladda federaalka iyo isaga, taasina waxay dhiiri gelineysaa in kuwa kale ay isasoo dhiibaana, ka tanasulaan waxyaabaha ay ku jiraan si wadahadal iyo nabadgelyo loogu soo dabaalo mustakhbal wadanka.

Wareysiga oo aad u dheere waxaad ka dhageysan kartaan halkan house…