Booliiska Mareykanka Toogasho Ku Dilay Aabe Soomaaliyeed

Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay aabe Soomaaliyeed oo la sheegay in madaxa looga jiray, ninka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa la sheegay in uu diooday amaro ay bixiyeen booliiska.

Waxaa lagu eedeeyay ciiamada booliiska in ay dileen ninkan madaxa looga jiray oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan iyaga oon hubsan caafimaad qabkiisa, waxaana hada socda baaritaan ku aadan dilkan booliiska geesteen.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Washigton ayaa booliiska ka dalbaday in ay cadeeyaan sababta ay ciidanka u toogteen ninkan madaxa looga jiray ama xanuunsanaa.

Aabahan Soomaaliyeed ay dileen booliiska Mareykanka ayaa ifka kaga tagay sideed caruur ah uu dhalay iyo xaaskiisa oo iyana la sheegay in ay xanuunsan tahay, waxaana dilkan aad uga naxay ehelada marxuunka la dilay iyo dadkii kale ee aqoonta u lahaa.