Maxay Kala Soo Laabteen Jowhar Wasiiradii Loo Diray Daminta Xiisada

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dib ugu soo laabtay wafdigii wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ka koobnaa ee dhawan loo diray magaalada Jowhar si ay u demiyaan Xiisadii ka dhex taagneed hoggaanka maamulka HirShabeelle.Wafdigaan ayaa kala ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka amniga, wasiirka Waxbarashada iyo xubno kale, waxa ayna Jowhar kula kulmeen Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cosoble iyo ku xigeenkiisii Cali Guudlaawe xuseen iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa u sheegay Wasiirada in wax khilaaf ah uusan u dhaxeyn Xildhibaanada, isla markaana aqlabiyada ugu badan ay halkan ku fadhiyaan, isagoo xusay in ilala 86 Xildhibaan ay madasha joogto, 9 Xildhibaan fasax iyo howlo caafimaad ku maqan yihiin.

Sidoo kale Sheekh Cusmaan ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka inay taageeraan is bedelka iyo go’aanka ay gaareen Xildhibaanada ee ay xilka uga qaadeen Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, waxaa uu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in la taageero go’aanka Baarlamaanka gaaray.

Go’aan Baarlamaan uu gaaray wax racfaan ah lagama qaadan karo, waa Dastuuri, is bedelka ay sameeyeen ayaa la rabaa inay dowladdu iyo beesha Caalamka taageerto”ayuu yiri Sheekh Cusmaan Barre.Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga  ayaa u sheegay Xildhibaanada inay u yimaadeen magaalada Jowhar sidii ay u qiimeyn lahaayeen xaalada, wixii ay kala kulmaan ay dib ula laabanayaan madaxda dowladda.

Xubnaha Wasiirada ayaa sheegay in aanay wax ka bedeli karin go’aanka Baarlamaanka iyo dastuurka u yaala Hirshabeelle, balse wixii ay arkeen ay uga warbixinayaan Madaxda dowladda Federaalka.Intaas kaddib ayaa Wasiirada waxay kulan albaabada ay u xiran yihiin la qaateen Madaxweynaha xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble, waxaana si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha kulankaas laga hadlay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Wasiirada ay xaqiiqsadeen xaalada uu ku sugan yahay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle oo ay ku hareen tiro aad u yar oo Xildhibaano ah iyo Wasiiro kooban aan qaarkooo Xildhibaan aheyn.Lama oga go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka soo saari doonto xiisada siyaasadeed ee Hirshabeelle iyo xil ka qaadistii baarlamaanka maamulkaas ay ku sameeyeen Cali Cosoble oo isna ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha inuu ka dambeeyay qorshihii xilka looga qaaday.