Gaari Dad Lagu Jiirsiiyey Bartamaha Magaalada Barcelona

Weerar loo adeegsaday Baabuur dad la jiirsiiyey ayaa goor dhow ka dhacay bartamaha magaalada Barcelona ee dalka Spain, halkaasoo dhowr labo qof lagu dilay qaar kale oo badana lagu dhaawacay.

Booliska ayaa qoraal ay soo dhigeen twitter-ka ku sheegay in baabuur si xooggan loogu dhuftay dad ku sugnaa goobta loo dalxiiska tago ee Las Ramblas ee bartamaha magaalada Barcelona.

Waxay sidoo kale sheegeen inay la tacaalayaan weerar argagixiso, iyadoo Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta gudaha lagu muujiyey dhowr qof oo dhulka yaalla, iyo booliiska oo caawinaya.

Warbaahinta Spain oo soo xiganaysa booliska ayaa sheegtay in rag hubeysan oo la socday baabuurka weerarka lagu fuliyey, ay gudaha u galeen maqaayad ku taalla goobta uu ka dhacay weerarkan, iyagoo rasaas ku furay dadkii ku sugnaa maqaayada.

Xaalada magaalada Barcelona aya kacsan, waxaana socda howlgalo adag oo ay wadaan Booliska, wadooyinka goobta uu weerarka ka dhacayna waa la xiray.