Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimaha sharciga Isgaarsiinat dalka.

Mudanayaasha golaha Shacabka ayaa intaasi kadib ansixiyay sharciga Isgaarsiinta Qaranka,158 xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 1 xildhibaan uu diiday.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibrahim Muuday oo shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqey in uu sharcigaasi uu yahaya ansxa.

“158 xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 1 xildhibaan uu diiday sidaasi daraadeed sharciga Isgaarsiinta dalka waa ansax”, Sidaasina waxaa yiri C/weli Muude.

Mudanayaasha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa waxaa horyaala ajendayaal dhowr ah iyagoo islamaanta ka hadlaya su’aal weydiin ku aadan warbixinada sharciga 112aad ee shaqada arrimaha dibadda iyo deegaan doorasheedka dalka oo xildhibaanada laga soo doortay waxyaabihii ay kala soo kulmeen.

Xigasho Sonna.so