Wasiir Xoosh oo raalli gelin ka bixiyay goordhow hadaladii ka soo yeeray iyo Xildhibaanada oo cafiyay

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta hor-tagay Golaha shacabka, isagoo ka raalli geliyay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, kaasoo uu kaga hor-jeestay qaraarkii uu Baarlamaanka ku diiday go’aankii Maxkamadda sare.

Hadal uu Wasiirka ka hor-jeediyay Xildhibaanada ayuu ku dalbaday in laga cafiyo hadaladii ka soo yeeray, isla markaana uu raalli gelin ka bixinayo.

“Walaalayaal waxaan idin dhihi lahaa haddii hadalladii aan qoray ay xanaf qaarkiin idiin keentay inaad raali ka noqotaan, ulajeedkayga ma ahayn inaan baarlamaanka u gafo, baarlamaanka isagaa la igu dhaariyey waxaan idinka baryayaa taasi inaad iga qaadataan, waxaan idiin balanqaadayaa inaan wada shaqeynno, shaqo badan baa inaga dhaxeysa, waxaan balanqaadayaa in si hufan idin kula shaqeeyo, markaad ii yeertaan idiin imaado, su’aalaha aad qabtaanna idiin kaga jawaabo” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa aqbalay raalli gelinta Wasiir Xoosh, waxaana ay u fasaxeen inuu howlihiisa shaqo sii wato.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka carooday qoraalada uu Wasiir Xoosh ku qoray bartiisa Bulshada, waxaana ay ka keeneen mooshin ay ku dalbanayaan inuu ku hor-yimaado Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo.

Hase ahaatee Wasiir Xoosh ayaa ka baaqsaday kulankii loogu yeeray, waxaana uu Guddoonka u soo qoray warqad codsi ahoo uu ku dalbanayo in la siiyo illaa 11 bishan, balse Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay inuu sharciga ku xadgudbay, iskana dhega tiray u yeeristii Baarlamaanka, iyagoo dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa.

Olole ay qeyb ka ahaayeen madaxda dowladda iyo Wasiiro ayaa lagu guuleystay in lagu xaliyo xiisadii u dhaxeysay Wasiir Xoosh iyo Baarlamaanka, kaddib markii arbacadii la soo dhaafay uu kooram la’aan ku baaqday kulankii Baarlamaanka ee lagu waday in go’aan looga gaaro xil heyntiisa.