Saraakiisha Amisom iyo maamulka Garoonka Aadan Cadde oo is maandhaafay

Wararka aan ka heleyno Masuuliyiin katirsan Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada AMISOM ee jooga garoonka Aadan Cadde ay diideen in garoonkaasi uu shaqeeyo xiliyada habeenkii.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in la kordhiyay saacadaha uu shaqeenayo garoonka Aadan Cadde, waxaana Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Salaad uu shaaciyay in garoonka hada kadib uu shaqeenayo ilaa 10-habeenimo.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ee gacanta ku haya amaanka Garoonka Aadan Cadde ayaa la sheegay in ay diideen in garoonka uu shaqeeyo xiliyada habeenkii, waxa ayna Ciidamada ku amreen in albaabada garoonka la xiro waxii ka dambeeya 5-galabnimo.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in galabkii Khamiista ay garoonka dhagxaan ku xireen markii la gaaray 5-ta galabnimo , waxaana tilaabadaasi ka carooday Maareeyaha garoonka Aadan Cadde oo kulan is fahmi waa kusoo dhamaaday la qaatay saraakiisha AMISOM ee qaabilsan amaanka garoonka.

Maareeyaha garoonka Aadan Cadde ayaa ka dalbaday Ciidamada AMISOM in ay furaan qeybta bixitaanka garoonka Aadan cadde si rakaabka soo degaya uga baxaan, hasa ahaatee Ciidamada AMISOM ayaa diiday iyagoona dhagxaan waa weyn albaabka ku jaray waxii 5-ta galabnimo ka dambeeya.

Maamulka Garoonka ayaa dhankooda amar ku bixiyay in cagaf cagaf lagu qaado dhagxaanta AMISOM ku jartay albaabka garoonka, waxaana markii dhagxaanta laga qaaday albaabka AMISOM mar kale ku jareen gaadiidkooda dagaalka .

Saraakiisha Amaanka ee gacanta ku haya Garoonka Aadan Cadde ayaa diday in ay damaanad qaadaan amaanka garooinka hadii uu shaqeenayo xiliyada habeenkii, waxaana wali garoonka ka taagan xaalad is fahmi waa iyadoona la filayo in arintan u gudubto madaxda sare ee dalka iyo Saraakiisha AMISOM ugu sareysa.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa dhawaan loo sameeyay Nalalka ifiya dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha si uu xiliyada habeenkii ah u shaqeeyo , hasa ahaatee waxaa qabad ka jirtaa in Garoonkaasi xiliyada habeenkii ay ka degaan diyaarado Milatari loona ogoleyn in dad shacab ah kasoo agdhawaadaan.