Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magacaabay xil cusub

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay lataliyihiisa Arrimaha Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Wariye C/Qaadir Maxamed Nadaara.

Weriye C/qaadir Maxamed Cashir (Nadaara) ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay maamulka K/Galbeed Soomaaliya iyo warbaahinta qeybahooda kala duwan, waana weriye gudan kara howsha Warbaahineed ee looga magacaabay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.