Shirka Beelaha Majeerteen ee ilaalinta Abtirsiiyaha iyo Nasliga oo lagu qabtay Garowe

Waxaa maanta magaalada Garoowe shir ku saabsan ilaalinta abtirsiiyaha iyo nasliga Majeerteen uu uga furmay Nabadoono, Waxgarad, Aqoonyahano, iyo Cuqaal ka kala yimid Gobolada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug.

Bayaan laga soo saarey shirkaan ayaa lagu cambaareeyay qabaa,il kale oo sheegtay inay ka tirsan yihiin beesha Cali Xijiijle Maxamed Noolays Majeerteen balse aan u dhalan beesha Cali Xijiijle waxaana Bayaanka ay kasoo saareen shir ka dhacay Garowe Nabadoonada iyo Waxgaradka Majeerteen loogu baaqay beesha Tumaalo inay raali galin ka bixiyaan sheegashada iyo Issinimada ay ku sheegteen magaca beesha Cali Xijiijle.

Sidoo kale Odoyaasha ka kala yimid Gobolladda Puntland ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlada Puntland inay ka waantoobaan faragalinta arrimaha quseeya dhaqanka, halka si la mid ah beesha Cali Xijiijle loogu baaqay inay quseyso dacwada la xiriirta Isir sheegashada iyo difaacida heybtooda beelweynta Majeerteen aysan ahayn arrin kaligood u taala.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii lagu caleemo saarey Bosaso Ugaas Muxuyadiin Cabdi Buurte oo sheegtay inuu yahay Issimka beesha Cali Xijiijle taasoo maanta lagu beeniyay shirka ka dhacay Garowe Islamarkaana lagu cambaareeyay caleemo saarkii Ugaas Muxuyadiin.