Banaan Bax Xoogan oo Maanta ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta halkaas uu ka dhacay banaan bax xoogan ay dhigayeen shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.

Banaan baxa ayaa ahaa mid looga soo horjeeday sicir bararka ka jira magaalada Boosasao iyo diidmada lacagta shlinka Soomaaliga, waxa ayna dadku ka careesnaayeen in la diido lacagta shilinka Soomaaliga waxna lagu kala iibsado lacagta Dollarka.

Dadka dhigayay banaan baxa ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen Dollar maahan lacagteena, dooni meeyno dhiig miiraad iyo erayo kale oo ay uga soo horjeedaan dhibaatada haysata shacabka.

Banaan baxayaasha oo ahaa kuwa si iskood isku soo abaabulay ayaa ku faafay qeybo badan oo kamid ah magaalada Boosaaso, waxaana hakad galay ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii ka jiray magaalada Boosasao oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Ciidamada amaanka Puntland oo markii dambe kusoo baxay dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku guuleestay in ay kala eryaan , waxaana xaalada Magaalada Boosaaso ay hada tahay mid degan inkastoo inta badan ganacsigii magaalada uu yahay mid xiran.

Magaalooyin badan oo kuyaala dalka Soomaaliya ayaa laga diiday isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga, waxaana inta badan dadku wax ku kala iibsadaan.