Dhageyso: Taliye Xigeenka NISA Cabdalla Cabdalla oo Iska Hor Keenaya Madaxda Dowlada Iyo Shacabka

Tacadiyada iyo dhibaatada ay la kulmeen dadkii laga soo saaray Xabsiyada Dowladda Itoobiya kuwo ka daran oo ka socda Xabsiyada Dowlada ee Magaalada Muqdsho,

Aabe ka mid ah dadka ay Caruurtoodu Xiran tahay oo ka sheekeeyay dhibaatada uu Wiilkiisu la kulmay ayaa sheegay inaysan Jirin Cadaalad iyo Garsoor Dowladeed marka la eego dhaqamada Foosha Xun ee ay ku sifoobeen Saraakiisha Dowlada

Nabadoon Maxamuud Ibraahim Jaamac oo Wiil uu dhalay u Xiran yahay mudo 8-bilood ah Sarkaal ka Tirsan Ciidamada NISA oo lagu magacaabo Cabdalla Cabdalla ayaa sheegay inuu Cadaadis Daran uu Wiilku la kulmay

Waxa uu shaaciyay in Mudo dhan 3-bilood uu ku xirnaa Xabsi isaga u gaar ah oo uu ka taliyo Cabdalla Cabdalla kadibna loo gudbiyay Xabsiga Baarista ee NISA halkaasi oo Cadaadis Daran uu kula kulmay Wiilkaasi oo uu ku Xiran yahay mudo ka badan5-bilood,

Aabe Maxamuud Ibraahim Jaamac ayaa sheegay inuu tagay Xafiisyada Madaxda Dowlada qaarkood kuwaasi oo aan wax jawaab ah ka siinin Cabashada uu ka gudbiyay Sarkaalka Cabdalla Cabdalla ah oo Wiilkiisu u Xiran yahay.