Fadeexad iyo Ceeb Qabsatay Haweeneyda Ugu Caansan Telefishinka Qaranka Iiraan

Azadeh Namdari waa mid ka mid ah gabdhaha Wariyaasha ah ee ugu caansan Telefishinka Qaranka iiraan waxeeyna iminka faraha la gashay fadeexo halis badan taas oo soo jiiday inay ku kacaan shacabka dalka Iiraan.

Wariye Azadeh Namdari oo hada fasax ku joogto dalka Switzerland ayaa waxaa laga soo qaaday Sawiro qarsoodi ah , iyada oo Madax banaan waliba Qamri cabeeysa.

Saxaafada dalka Iiraan ayaa daba dhigatay Azadeh Namdari oo la sheegay inay ku kacday Qiyaano Qaran waliba markii ay dalka gudihiisa joogtay iska dhigi jirtay wadaad asturan oo daacad ah.

Xukuumada dalka Iiraan ayaa kiiskaan ka aamustay balse waxaa la sheegay inay la damacsan yihiin Wariye Azadeh Namdari marka ay dalka Iiraan dib ugu soo laabato inay muteeysato xabsi dheer in kastoo dhanka kale laga yaabo inay Qaxootinimo iskaga dhiibto dalka iminka ay ku sugan tahay ee Switzerland oo ku yaal Qaarada Yurub.