Qoysas ay saameeyeen abaaraha dalka oo ururka Ubax Foundation ka helay gargaar + Sawirro

Ururka Samafalka ee Ubax Faodation ayaa maanta Gargaar raashin ah Gaarsiiyay Qoysas Soomaaliyeed oo gaaraya in ka badan 60 Qooys oo ku sugan deegaanka Ratiweyne oo ay sameeysay Abaarta iyo macluusha dalka ka jirta dalka.

Qoysaskaan oo ay ka muuqatay dhibaatada ay u geeysatay abaarta ayaa waxaa gurmad u sameeyay Ururka Samafalka iyo Gargaarka ee Ubax Foundation, iyadoo la gaarsiiyay Gargaar Raashin ah oo isugu jiray Bariis, Bur iyo Saliid.

Qoysaskaan oo isugu jirayn Dad da, ah Caruur iyo haween kuwaasi oo ay dhaafeen xoolihii ay dhaqanayeen isla markaana ay ka baaba’een beerihii ay tacbanayeen, waxaana ay haatan ku suagan yihiin deegaano badan oo Hoostagga Degmooyinka Gobolka Banaadir, basle aanay Jirin cid u gurmata oo si dhab ah uga warqabta waxaana jira dhibaato aad u weyn oo ka dhalatay abaarta iyo jiilaalka dabadheeraaday ee Soomaaliya.

Ururka samafalka ee Ubax Foundation ee fadhigiisu yahay magaladda Gothenberg ee dalka Sweden ayaa waxaa uu ku dadaalay sidii dadkaasi gurmad raashin ah loogu fidin lahaa waxaana maanta ay Qoysaskaasi heleen Raaashin Gargaar ah.

Gargaarkaan la gaarsiiyay Qoysaskaan ayaa waxaa uu yahay mid ay si weyn ugu baahnaayeen waxaana ka mahadceliyay Nabadoon Muxumed Jeebyare isagoo sheegay in muddo sedex sanno ah uusan wax roobab ah ka di’in Deegaanadda ay ku nool yihiin sidaasi darteed ay dhaafeen xoolo badan oo isugu jiray Lo’, ari iyo geel wixii ay dhaqanaayeen waxaana uu sheegay in haatan qoysaskaasi ay u baahan yihiin in lala gaaro Gurmad dhan walba leh si buu yiri loo samatabixiyo dadkii isagoo, sidoo kalena sheegay in qoysaskan ay haatan qarka u saaran yihiin macluul iyo geeri haddii aysan helin cid sidaan oo kale wax ula gaarta.

Ururka samafalka iyo gargaarka ee Ubax Foundation ayaa waxa uu maalmihii ugu dambeeyay ka waday guud ahaan dalka Gaar ahaana deegaanada ku xeeraan magaaladda Muqdisho oo ay ka mid yihiin goboladda Shabeelaha dhexe iyo shabeelaha Hoose gargaar wax ku ool ah oo lagu samatabixinaayo qoysaska Soomaaliyeed ee ay sameysay abaarta iyo macluusha dalka ka jirta , waxaana uu haatan sii laba labaayaa dadaalkiisa ku wajahan wax ka qabashada dadka ay abaarta saameysay.