Fisooyinka Xajka Ee Sacuudiga Laga Helay Ma Lagu Qeybin Doonaa 4.5?

Kullan labo geesood ah ayaa dhex maray wasiirka Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed Salih Bentin iyo wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Somalia Iman Abdullah Ali.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha ku saabsan xajka sanadkaan oo dalka Somalia ay ka mid tahay dalalka Islaamka ee kumanaan qof kasoo xajiyo gudaha iyo dibada.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa wafdiga wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Somalia ugu deeqay tiro fiisooyinka Xajka ah walow wasiirka Xajka uusan shaacin inta qof ee Sacuudiga ugu deeqay inay sanadkaan soo xajiyaan.Dadka Sacuudiga uu ugu deeqay fiisooyinka Xajka ayaa isugu jira madax ka tirsan dowladda iyo dad kale oo aan awoodin inay soo xajiyaan, waxaase la ogeyn qaabka loo maamuli doono in lagu saleyn doono nidaamka 4.5 iyo in kale.

Dhanka kale, labada wasiir ayaa waxay ka wada hadleen shuruudo cusub oo lagu soo kordhiyay xajka oo dhinaca caafimaadka, faaya dhowrka iyo arrimo kale oo looga baahan yahay inay Somalia dadka kasoo xajinayo ay fuliyaan.