Booliska Australia oo heegan lagaliyay fashilkii ay fashiliyeen weerar lagu soo ridi rabay diyaarad….

Booliska dalka Australia ayaa sheegay inuu ka hortagay qorshe weerar argagixisinimo oo looga gol lahaa in lagu soo riday diyaarad.

Ra’iisul Wasaaraha Australia Malcolm Turnbull ayaa sheegay in afar nin oo lagu tuhunsan yahay inay weerarkaas geystaan loo xiray.

Sirdoonka dalkaas ayaa ka war helay macluumaad ku saabsan in la qarxiyo diyaarad, iyadoo la adeegsanayo walxaha qarxa ee guryaha lagu farsameeyo.

Afarta nin ee lagu tuhamayo inay weerarkaas geystaan ayaa la dhigay cabsiga, kaddib markii ciidamada booliska iyo kuwa sirdoonka ay howl gallo ka fuliyeen qeybo badan oo ka tirsan magaalada Sydney.

Ammaanka garoonka diyaaradaha Sydney iyo magaalooyinka kale ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo badan lagu xoojiyay.

Australia ayaa qeyb ka ah xulafada uu hoggaaminayo Mareykanka ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish, waxaana horay loogu hanjabay weeraro in lagu qaadi doono.