Tahriibayaal Shidaalkii Gaariga Ka Dhamaaday Iyo Halaagii ku Qabsaday Saxaraha *Sawiro naxdin leh*

Tahriibayaal u socday dalka Liibiya si ay uga sii galaan xeebaha dalka Talyaaniga ayaa waxaa qabsaday halaag iyo murugo ka dib markii gawaaridii ay wateen uu ka dhamaaday Shidaalka halka mid kale uu isna ka halaabay.

Tahriibayaashaan ayaa ku dhex dhumay Saxaraha cidlada ah ee u dhaxeeya wadamada Sudan iyo Liibiya waxaana mudo bil ka badan ka dib la soo helay raqdoodii ama Lafihii dadkii masiibadaan ku baaba´ay.

Dhibaatada ugu weyn ayaa dhacday ka dib markii 2 gawaari uu midna halaabay , midkii kalana Shidaalka uu ka dhamaaday halka Dadkii saarnaa gawaaridaan ay u dhinteen Gaajo iyo haraad.

Waxaan Leenahay Walaalaha Tahriibayow Ogaada Sidaas oo Kale Ayaa Idiin Danbeyso.