Qaabkii Loo Dilay Col. Jiijiile oo Ka Hadlay Suldaan Xasan Madoobe *Dhageyso*

Shaqaaqadii Shalay uu ku dhintay Gaashaanle Dhexe Ciise Jiijiile ayaa waxa ay sababtay in Hadal heyn iyo kala shaki uu ku abuurmo Saraakiil sar sare oo Dawlada Soomaaliya Katirsan.

Qoyska Uu ka baxay Ciise Jiijiile waxay sheegeen in dilkaasi lasoo abaabulay taasina ay Cadaalad ka doonayaan Madaxda Ugu Sareysa Dalka.Ehelada Ciidankii shalay lagu laayey Agagaarka Qasriga Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegeen in dad la yaqaan ay ka dambeeyeen Shirqoolkaasi oo ahaa mid abaabulan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Gudi umagacaabay soo baara Arintaasi oo Gudoomiye uu uyahay Taliyaha Booliska General Saacid taasi oo laga sugayo inay Xaqiiqo raadin kadib sida ay wax udhaceen ay Warbixin soo bandhigaan.

Kala Shakiga Ciidanka Dawlada iyo Saraakiishooda ayaa noqday mid heer sare gaaray kadib is ugaarsi ka dhex bilowday Ciodamada Dowlad Dhexdeeda