Kawaanka Malaayga Xamar Weyne Iyo Dhaqdhaqaaqa Ka Socda *Daawo*

Kawaanka Malaayga ee degmada Xamarweyne oo ka mid ah goobaha ganacsi ee la keeno malaayga ugu badan magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad u mashquulsan, waxaana halkaasi ka socda ganacsi aad u xooggan oo jilaabeysatada ay kusoo bandhigaan noocyo kala duwan ee malaayga.

Malaayga ayaa la kala siistaa qiimo kala duwan, wuxuuna beeca ku xiran yahay hadba nooca malaayga aad rabto.Blahs May, June iyo July ayaa ah xiliga bad xiranka oo suuqyada kalluunka qiimo koror uu ku yimaado, laakiin xiliyada kale ee caadiga ah ayaa halkii kg ee malaayga la kala siistaa 2 dollar ilaa 3 dollar kuwo ka badan lacag intaas ahna waa ay jiraan.