Kulan madaxda Sare iyo gudiga xiriirka guud ururka shaqaalaha Soomaaliyeed

Waxaa magaalada Muqdisho kasoconaya dhiiri galin dhinaca shaqaalaha weynaha soomaaliyeed iyadoo maantana madaxda ugu sareysa dalka ay la kulmayaan

Munaasabada xarig jarka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha rayidka ee Dowladda, Xildhibaano, Safiir kuxigeenka Turkiga, Gudoomiyaha Ururka Shaqaalaha Turkiga, Gudoomiyaha Shaqaalaha Suudaan iyo Xubno matalayey ururada Shaqaalaha Afrika, Geeska Afrika, Carabta, Aasiya  iyo wadamada islaamka ayaa maanta ka qeybgalay Xaflad Xariga looga jarayey Dhismaha Xarun Cusub oo uu ku shaqeyn doono Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Gudoomiyaha Ururka Shaqaalaha Turkiga ayaa wada sixiixday heshiis wada shaqayn ah iyada oo Ururka Shaqaalaha Turkiguna uu sabab u ahaa Dhismaha Xaruntan iyaga oo seddax boqol oo kun oo doolar ku bixiyey dhismaheeda.

 

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo hadal ka jeediyey Goobta ayaa bogaadiyey Garab istaaga Ururka Shaqaalaha Turkigu uu u muujiyey ururada shaqaalaha Soomaaliyeed, wasiir saalax oo afka shaqaalaha Soomaaliyeed ku hadlayey ayaana dhismahan cusub uga mahadceliyey Shaqaalaha Turkiga.

C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka ayaa dhiniciisa ugu horeyn u mahadceliyey Dowladda Turkiga gaar ahaan shaqaalaha, waxa uuna sheegay in Shaqaalaha Soomaaliyeed aysan iloobi doonin sida Shaqaalaha Turkigu ay ugu soo gurmadeen.

“Mahmut Arslan oo ah Gudoomiyaha Ururka Shaqaalaha Turkiga iyo saaxiibadiis in ay maanta nala joogaan Xafladdan xarig jarka ah ayaa cadeyn u ah sida Shaqaalaha Turkigu ay muhiim ugu arkaan in la shaqeeyaan, caawiyaana Shaqaalaha Soomaalida.

Maxamed Cusmaan Xaaji Gudoomiyaha Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed yiri ‘Shaqaalaha Turkigu waxa ay noo sheegeen in qarash ay noogu talagaleen ku bixin doonaan tababarro la siiyo shaqaalaha Soomaaliyeed laakiin waxaan go’aan sanay in aan u sheegno in ay noo dhisaan xarun aan ku shaqeyno taas ayeyna nala qaateen”

Mahmut Arslan Gudoomiya Shaqaalaha Turkiga ee Magiciisa la yiraahdo HAKISH ayaa socodkiisa uu ku yimid Muqdisho ku sheegay in uu bilaaw u yahay wada shaqayn ay rabaan in ay la yeeshaan Xiriirka Guud ee Ururada shaqaalaha Soomaaliyeed, waxa uu sheegay in ay sii joogtayn doonaan caawinta iyo barbar istaaga Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in lacagta ay ku bixiyeen dhismaha Xarunta Cusub ee Ururada shaqaalaha Soomaaliyeed kasoo aruuriyeen shaqaalaha Turkiga, shaqaalaha turkiguna ay ku faraxsan yihiin.