Burcad Dadka Dhacayay oo Xalay Lagu Soo Bandhigay Degmada Yaashiid

Ciidamada Amaanka Iyo Maamulka Degmada Yaaqshiid Ayaa Xalay saq dhexe soo bandhigay koox burcad ah oo habeenkii dhaca dadka Shacabka kuwaas oo ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya.

Wasiirka amniga iyo Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ayaa goob joog ka ahaa goobta ragaan lagu soo bandhigay waxayna sheegeen in ay sii wadi doonaan.

Ragaan ayaa lagu soo qabtay hub ay wateen iyo sidoo kale 12 mobile oo ay dhaceen, sidoo kale kooxdaan ayaa wadatay Mooto Bajaaj dadka lagu dhaco.