Wasiiradii Puntland ee xilka laga qaaday oo lagu soo rogay xayiraad dhinaca dhaqaalaha ah

Wareegto ka soo baxday xafiiska hanti dhowraha guud ee maamulka Puntland ayaa lagu amray dhammaanba bankiyada accountiga uga furan yihiin inaysan bixin karin lacago Wasiiradii xilka laga qaaday dhowaan.

Sidoo kale madaxda Wasaaradaha Puntland ayaa lagu amray inaysan wax lacag ah kala bixi karin accountiyadooda uga furan bankiyada, waxaana gebi ahaanba la xayiray xisaabaadka Wasaaradaha Puntland.