Maxay ka dhigan tahay kalsooni kala noqoshadii Wasiirada Puntland *Dhageyso*

Danjire Maxamed Caalim oo ah aqoon falaqeeya Arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in go’aan culus ay shalay qaateen Xildhibaanada maamulka Puntland oo codka kalsoonida kala noqday Xukumadii C-wali Gaas.

Caalim ayaa sheegay in Puntland ay ka jirto dhibaato badan oo dhinac walba leh taasna ay ku kaliftay go’aanka Baarlamaanka waxa uuna sheegay in ay qaateen go’aan dastuuri ah.

Xildhibaanada maamulka Puntland ayaa sheegay in Xukuumadda ku eedeeyeen wax qabad la’aan gaar ahaan dhinaca amniga,dhaqaalaha iyo siyaasadda taasna ay sababtay go’aankii ay shalay qaateen.

Danjire Maxamed Caalim ayaa sheegay in arintaan ay tusaale wanaagsan u tahay Maamulada kale ee dalka ka jira loogana baahan yahay in ay ka tusaala qaataan in kastoo Caalim tilmaamay in aysan hada jirin maamul lagu dhagan yahay.

Hoos ka dhageyso wareysiga.