Baarlamaanka oo Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu taageero xulafada Sacuudiga ee ka dhanka ah Qatar (Akhriso)

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay olole lagu taageerayo Dowladda Sacuudiga oo hoggaamineysa isbaheysiga dalalka Khaliijka ee xiriirka u jartay dalka Qatar.

Guddiga arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Golaha Baarlamaanka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu u xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyadoo ogeysiis ahaana loogu diray Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Warqadda ay soo saareen guddigaasi oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa looga codsaday Madaxweyne Farmaajo si aan leex leexad lahayn inuu u taageero go’aanka Sacuudigu ka qaatay dalka Qatar oo lagu eedeeyay inuu argagixisada ah taakuleeyo.

Guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu walaac ku abuuray go’aanka uu Madaxweynaha ka qaatay khilaafka dalalka Khaliijka, wuxuuna Guddoomiye Cosoble dalbaday in arrintaasi dood laga yeesho si Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda kala duwan mowqif mideysan uga qaataan.