Wariye Cumar Seerbiya oo xabsiga laga sii daayay

Wariye Cumar Cali Xasan (Seerbiye) oo Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku xirnaa Xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa ayaa maanta dib u helay xoriyadiisa sida ay xaqiijiyeen Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Ciidamada Ammaanka ayaa xabsiga dhigay Wariye Seerbiya ka dib markii uu ka degtay Axaddii garoonka magaalada Hargeysa, uuna ka ambabaxay Muqdisho.

Booliska Somaliland ayaa faahfaahin ka bixin sababta loo xiray Wariyaha.

Somaliland ayaa inta badan xirta dadka ay u aragto in ay xamar tageen , islamarkaana ay xiriir la suubiyeen Madaxda Soomaalida.