Mas’uuliyiin xilal ka haya Dowladda, Xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ah oo loo diiday inay galaan Madaxtooyadda Somalia.

Xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa isbedelkii ugu weynaa lagu sameeyay, kaddib markii ciidamo fara badan la soo dhoobay albaabka hore ee laga galo, kuwaasi oo lagu amray inaysan sii deyn karin mas’uul aanay amar u heysan.

Maqribnimadii xalay ilaa iyo fiidkii albaabka hore ee xarunta madaxtooyada waxaa dib uga laabtay Guddoomiyaha aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi, Prof. Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale, kaddib markii lagu amray inay dib uga laabtaan.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay shabakadda Somaliweyn ayaa sheegaya in ilaalada madaxtooyada Villa Somalia loo gudbiyay liiska madaxda Dowladda ka tirsan ee loo ogol yahay inay gudaha galaan, iyadoo labadaan mas’uul xitaa hadii ay ka degteen gaarigii ay saarnaayeen si ay ula hadlaan ilaalada ay ka biyo diideen dalabkooda.

Sidoo kale in ka badan 45-Mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka ayaa iyana laga hor istaagay inay gudaha u galaan xarunta madaxtooyada, kaddib markii ciidamada ilaalada ay u sheegeen inaysan amar u qabin sii deynta xildhibaanada.

Falalka is hortaagga ilaalada madaxtooyada ee madaxda Dowladda oo bilowday maqribnimadii shalay ayaa socda ilaa iyo saaka, iyadoo xubnaha loo diiday madaxtooyada ay si weyn uga caroodeen tallaabadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in amarka cusub ee lagu xadidayo gelitaanka madaxtooyada uu soo saaray Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin, waxayna arrintaan sii xoojineysaa khilaafka u dhaxeeya qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka iyo xukuumadda soo kala dhex galay.